(90) Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal.
(91) Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa) Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami.
(92) Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin.
(93) Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay.
(94) Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah.
(95) Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa.
(96) ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi).
(97) Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta.
(98) Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu.
(99) Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya.
(100) Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin.
(101) Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan.
(102) Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.
(103) Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari.
(104) Waxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran.