(12) Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo Guux.
(13) Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare).
(14) (Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag Badan.
(15) Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u Ahaatay Kuwaas (Dhawrsada) Abaal Marin iyo Noqosho.
(16) Waxayna ka Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh Isaaray Eebaha oo Sugan.
(17) Xusuusta Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka.
(18) Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka Halmaamaan Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay.
(19) Way Idinku Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna, Ciddii wax Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn.
(20) Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke.