(22) Markuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu u Dhawyahay Eebahay inuu igu (Hanuuniyo) jidka Toosan.
(23) Markuu Gaadhay Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa wuxuuna ka helay Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku, Aabbahanana waa Oday Wayn.
(24) Markaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska wuxuuna Yidhi Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay.
(25) Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu kuu Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid oos Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta ahaa.
(26) Waxayna Tidhi Middood Aabbow noo Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto Mid Xoog Badan oo Aamin ah.
(27) Wuxuuna ku Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo Labadaydan Gabdhood Middood inaan ku Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso Tobankana waa Adiga Agtaada, mana Doonayo inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan Hadduu Eebe Doono kuwa Wanaagsan.
(28) Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil.