(71) Waxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur miyaydaan wax Maqlayn.
(72) Waxaadna Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Maalin Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn.
(73) Naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen iyo Dharaarba inaad Xasishaan dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku Shugridaan.
(74) Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah kuwaad Sheeganayseen.
(75) Waxaana ka soo Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku nidhi keena Xujadiinna waxayna Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay Xagooda waxay Been Abuuran Jireen.
(76) Qaaruunna wuxuu ka mid ahaa qoomkii (Nabi) muuse, wuuna ku Kibray Korkooda, waxaana Siinay wax Furayaalkiisu ku Culustahay Koox Xoog badan, markay ku Dheheen qoomkiisii ha Farxin (Kibrin) Eebe ma Jeela kuwa Farxa «Kibree».
(77) Kuna doon waxa Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka Samana Fal sida Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jeela Fasaadiyaashee.