(12) Ma eke labada badood taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe iyo inaad ku mahadisaan.
(13) Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa falana waa Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed.
(14) Hadaad u yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase maqlaan wax idiima taraan, Qiyaamadana way diidigaalnimadooda, cid wax og, sidaana wax kuugu warrama ma jiro.
(15) Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa hodan amaanan.
(16) Hadduu doono wuu idin dhamayn wuxuuna keeni kuwo cusub.
(17) Arrintaasna wax Eebe ku culus ma aha.
(18) Nafna naf kale dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed).