(11) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo Eebe anoo u kali yeeli diinta.
(12) Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horreeya muslimiinta.
(13) waxaad dhahdaa Nabiyoow anigu waxaan ka cabsan hadaan caasiyo Eebahay cadaab maalin weyn.
(14) Waxaad dhahdaa Eebe uun baan caabudi anoo ukaliyeeli Diintayda.
(15) Ee caabuda Gaaloy waxaad doontaan Eebe ka sokow, waxaadna dhahdaa kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey Naftooda iyo Ehelkoodii Maalinta Qiyaame, taasina waa khasaaraha cad.
(16) Korkooda waxaa ah lakabyo Naar ah, hoostoodana waxaa ah lakabyo Naar ah, kaasina waa waxa Eebe ku cabsi galiyo (ugu digo) addoomadiisa ee addoomadeydoow iga dhawrsada.
(17) Kuwa ka fogaaday inay caabudaan shaydaan (iyo xima fare) oo Eebe u noqday waxaa usugnaaday Bishaaro ee u bishaaree addoomadayda.
(18) Ee ah kuwa dhageysta hadalka oo raaca kiisa fiican, kuwaasna waa kuwa Eebe hanuuniyey, kuwaasna iyaga uunbaa ah kuwa caqliga leh.
(19) Ruuxay u waajibtay ereyga cadaab ma adaa Nabiyoow ka korin cid Naar gali.
(20) kuwa ka dhawrsaday Eebahoodse waxay mudan Qawlado (Janno) oo qawlada kale ka korreeyaan sifiicanna (udhisan), waxaana dhexsocda Wabiyaalkii, waana yabooh Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohissa.
(21) Miyaadan arkeyn in Eebe ka soodajiyey samada biyo oo markaas uu galin dhulka iyagoo ka soo burqan dhulka, markaasna Eebe ku soo bixin Beer midabkeedu kala duwanyahay markaas ka dibna uu ingagi ood arki isagoo cawlan, kadibna kayeeli bur bur, arrintaasna waxay xusuus u tahay kuw caqliga leh.