(68) Waxaa la afuufi suurka (Buunka qiyaame) waxaana suuxi (Dhiman) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, cidduu Eebe doona mooyee, markaasaa la afuufi mid kale waxaana soo bixi dadkii iyagoo taagan oo sugi (xukunka Eebe).
(69) Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa'igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.
(70) Waxaana loo oofin (dhameyn) nafkastaa waxay camalfashay, Eebana waa ogyahay waxay camalfalayaan.
(71) Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe).
(72) Waxaana lagu dhihi gala albaabada Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda iyadaana u xun meelay ku hoydaan kuwa is kibriya.
(73) Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebahood xagga jannada iyagoo kooxa ah markay yimaadaan jannadana iyadoo la furay albaabadeeda (marhore) waxay ku dhihi adeegaheedu nabadgalyo korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen (liibaanteen) ee gala janada idinkoo ku waari.
(74) Waxayna dhihi mahad waxaa iska leh Eebaha noo rumeeyey yaboohiisa, nana dhaxalsiiyay dhulka (janada) waxaana ka dagnaa janada meeshaan doonno waxaana wanaag badan ajriga kuwii camal falay.