الحديد   سورة  : Al-Hadid


سورة Sura   الحديد   Al-Hadid
يَوْمَ تَرَى الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ يَسْعَىٰ نُورُهُم بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَانِهِم بُشْرَاكُمُ الْيَوْمَ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (12) يَوْمَ يَقُولُ الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ لِلَّذِينَ آمَنُوا انظُرُونَا نَقْتَبِسْ مِن نُّورِكُمْ قِيلَ ارْجِعُوا وَرَاءَكُمْ فَالْتَمِسُوا نُورًا فَضُرِبَ بَيْنَهُم بِسُورٍ لَّهُ بَابٌ بَاطِنُهُ فِيهِ الرَّحْمَةُ وَظَاهِرُهُ مِن قِبَلِهِ الْعَذَابُ (13) يُنَادُونَهُمْ أَلَمْ نَكُن مَّعَكُمْ ۖ قَالُوا بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمْ فَتَنتُمْ أَنفُسَكُمْ وَتَرَبَّصْتُمْ وَارْتَبْتُمْ وَغَرَّتْكُمُ الْأَمَانِيُّ حَتَّىٰ جَاءَ أَمْرُ اللَّهِ وَغَرَّكُم بِاللَّهِ الْغَرُورُ (14) فَالْيَوْمَ لَا يُؤْخَذُ مِنكُمْ فِدْيَةٌ وَلَا مِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ مَأْوَاكُمُ النَّارُ ۖ هِيَ مَوْلَاكُمْ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ (15) ۞ أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَاسِقُونَ (16) اعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يُحْيِي الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ (17) إِنَّ الْمُصَّدِّقِينَ وَالْمُصَّدِّقَاتِ وَأَقْرَضُوا اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَاعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌ كَرِيمٌ (18)
الصفحة Page 539
(12) (Xusuusta) Maalinta aad arki Mu'miniinta Rag iyo Haweenba iyagoo nuurkoodu socda hortooda iyo Midigtooda, waxaana lagu dhihi bishaaraysta Maanta, waa Jannooyin Ay dureeri dhexdooda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn.
(13) waa Maalinta Munaafiqiintu Rag iyo Haweenba ay ku dhihi kuwa xaqa rumeeyay na suga aan ka Dhuxul qaadanno Nuurkiinnee, waxaana lagu dhihi ku noqda gadaashiinna, waydiistana Nuur, markaasaa layeelaa dhexdooda Darbi xaggiisa gudahana Naxariis tahay, xaggiisa dibaddana Caddibaad tahay.
(14) Way u dhawaaqi Mu'miiniinta iyagoo leh miyannaan idinla jirin, Mu'miniintuna waxa ku dhihi haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen Naftiinna, xumaanna waad la sugteen (Nabiga Iyo Mu'miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) Inta amarka Eebe ka yimaaddo (Geerida) waxaana Eebe idinku kadsiiyay Kadiye (Shaydaan).
(15) Maanta (Qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa Gaaloobay midna, Hoygiinnuna waa Nar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun.
(16) Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada).
(17) Ogaada in Eebe nooleeyo Dhulka dhimasho ka dib, wuuna idiin caddeeyay Aayaadka si aad wax u kastaan.
(18) Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka wax Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin Ajri sharaf leh.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022