المزمل   سورة  : Al-Muzzammil


سورة Sura   المزمل   Al-Muzzammil
المزمل Al-Muzzammil
يَا أَيُّهَا الْمُزَّمِّلُ (1) قُمِ اللَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا (2) نِّصْفَهُ أَوِ انقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا (3) أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ الْقُرْآنَ تَرْتِيلًا (4) إِنَّا سَنُلْقِي عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا (5) إِنَّ نَاشِئَةَ اللَّيْلِ هِيَ أَشَدُّ وَطْئًا وَأَقْوَمُ قِيلًا (6) إِنَّ لَكَ فِي النَّهَارِ سَبْحًا طَوِيلًا (7) وَاذْكُرِ اسْمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلْ إِلَيْهِ تَبْتِيلًا (8) رَّبُّ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَاتَّخِذْهُ وَكِيلًا (9) وَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَاهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلًا (10) وَذَرْنِي وَالْمُكَذِّبِينَ أُولِي النَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلًا (11) إِنَّ لَدَيْنَا أَنكَالًا وَجَحِيمًا (12) وَطَعَامًا ذَا غُصَّةٍ وَعَذَابًا أَلِيمًا (13) يَوْمَ تَرْجُفُ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ وَكَانَتِ الْجِبَالُ كَثِيبًا مَّهِيلًا (14) إِنَّا أَرْسَلْنَا إِلَيْكُمْ رَسُولًا شَاهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَا أَرْسَلْنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ رَسُولًا (15) فَعَصَىٰ فِرْعَوْنُ الرَّسُولَ فَأَخَذْنَاهُ أَخْذًا وَبِيلًا (16) فَكَيْفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرْتُمْ يَوْمًا يَجْعَلُ الْوِلْدَانَ شِيبًا (17) السَّمَاءُ مُنفَطِرٌ بِهِ ۚ كَانَ وَعْدُهُ مَفْعُولًا (18) إِنَّ هَٰذِهِ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ سَبِيلًا (19)
الصفحة Page 574
المزمل Al-Muzzammil
(1) (Nabiga) Isduuduubayow.
(2) Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee.
(3) Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
(4) Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican.
(5) Annagaa Kugu Dakin Hadal Culus (wayne).
(6) Habeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan.
(7) Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer.
(8) Magaca Eebana xus cibaadadiisana u go'.
(9) Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado).
(10) kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag).
(11) Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug.
(12) Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo.
(13) Iyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran.
(14) (waxay ku dhiei Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda.
(15) Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul.
(16) Fircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran.
(17) Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan.
(18) Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici.
(19) Aayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022