(19) miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub.
(20) arrintaasina Eebe kuma adka.
(21) waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho.
(22) wuxuuna dhahaa shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
(23) waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan.
(24) ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan).