(25) oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan.
(26) Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn.
(27) wuxuu ku sugaa Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu doono.
(28) ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag.
(29) Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo).
(30) waxayna u yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare.
(31) Ku dheh addoomadayda rumeeyey (Xaqa) ha oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada).
(32) Eebe waa kan Abuuray samooyinka iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna sakhiray Wabiyada.
(33) idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta.