(34) idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane gaalnimo badan.
(35) zusuusta markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno Sanamyada.
(36) Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah.
(37) Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan been lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan.
(38) Eebow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba samada iyo dhulka (midna).
(39) mahad Eebaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe).
(40) Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda Eebow Aqbal baryadayda.
(41) Eebow ii dambi dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu).
(42) ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu.