الحج   سورة  : Al-Hajj


سورة Sura   الحج   Al-Hajj
الحج Al-Hajj
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمْ ۚ إِنَّ زَلْزَلَةَ السَّاعَةِ شَيْءٌ عَظِيمٌ (1) يَوْمَ تَرَوْنَهَا تَذْهَلُ كُلُّ مُرْضِعَةٍ عَمَّا أَرْضَعَتْ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمْلٍ حَمْلَهَا وَتَرَى النَّاسَ سُكَارَىٰ وَمَا هُم بِسُكَارَىٰ وَلَٰكِنَّ عَذَابَ اللَّهِ شَدِيدٌ (2) وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّبِعُ كُلَّ شَيْطَانٍ مَّرِيدٍ (3) كُتِبَ عَلَيْهِ أَنَّهُ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُ يُضِلُّهُ وَيَهْدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ السَّعِيرِ (4) يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِن كُنتُمْ فِي رَيْبٍ مِّنَ الْبَعْثِ فَإِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ مِن مُّضْغَةٍ مُّخَلَّقَةٍ وَغَيْرِ مُخَلَّقَةٍ لِّنُبَيِّنَ لَكُمْ ۚ وَنُقِرُّ فِي الْأَرْحَامِ مَا نَشَاءُ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ نُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوا أَشُدَّكُمْ ۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰ أَرْذَلِ الْعُمُرِ لِكَيْلَا يَعْلَمَ مِن بَعْدِ عِلْمٍ شَيْئًا ۚ وَتَرَى الْأَرْضَ هَامِدَةً فَإِذَا أَنزَلْنَا عَلَيْهَا الْمَاءَ اهْتَزَّتْ وَرَبَتْ وَأَنبَتَتْ مِن كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ (5)
الصفحة Page 332
الحج Al-Hajj
(1) Dadaw ka Dhawrsada Eebihiin Maxaayeelay Gilgilashada Saacadda (Qiyaame) waa wax wayn (Daran).
(2) Waana Maalintaad Arkaysaan Iyadooy Halmaami Mid wax Nuujisa Dhammaanteed waxay Nuujinaysay, ooy Dejin (Tuuri) mid Kastoo Uur leh Uurkeeda, waxaadna Arkaysaa Dadkoo Waalan, mana aha kuwo (dhab) u Waalan ee Cadaabka Eebaa Daran.
(3) Dadka waxaa ka mid ah Ruux ku Murmi Eebe Cilmi la'aan oo raaci Shaydaan kastoo Madax Adag.
(4) Waxa loo Qoray (Shaydaan) Ruuxii Talada u Dhiibta (Raaca) inuu Baadiyeeyo kuna Toosiyo Cadaabka
(5) Dadow haddaad Tihiin kuwo Shakisan oo Bixinta Annagaa idinka Abuurray Carro, Hadaana Dhibic Haddana Calaqo, Hadaana Goosin la Abuuray iyo Midaan la Abuurin si aan idiinku Caddayno (Qudrada Eebe) waxaana ku sugnaa Makaanka waxaan Doono Tan iyo Muddo Magacaaban, markaasaan idin soo Bixinaynaa Idinkoo Yar, markaas inaad Gaadhaan Xooggiinna: waxaa idinka mid ah Cid la oofsan (Dhiman) waxaana idinka mid ah kuwo loo celin Cimri Liita (Gabow) si ayna u Garanin intay wax Yaqiineen ka dib waxba, waxaad Arkaysaa Dhuloo Abaar (Dhimaad) ah markaan ku soo Dejinno Korkeeda Biyana way Gilgilataa wayna Kortaa, waxayna soo Bixisaa Nooc kastoo Quruxsan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022