(56) Xukunka Maalintaas Eebaa iska leh, wuuna kala Xukmin Dhexdooda, kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxay Gali Janada Naciimo.
(57) kuwa Gaaloobay oo beeniyey Aayaadkanagana kuwaas waxaa u Sugnaaday Cadaab wax Dulleeya.
(58) kuwa ku Hijrooday Jidka Eebe Haddana la Dilo ama dhinta wuxuu ku Arzaaqi kuwaas Eebe Rizqi Wanaagsan, Eebana waa ku Khayrroon yahay Rizqigiisu.
(59) wuxuuna Galin Meel ay ka Raalli Noqon (Janno) Eebana waa Oge Dhulbadan.
(60) waa saas, Ruuxii Ciqaaba inta la Ciqaabay oo kale Markaas la gardaraysto wuu u Gargaari Eebe, Eebana waa Cafiye Dhaafa.
(61) waxaana ugu wacan in Eebe Galiyo Habeenka Maalinta Galiyana Maalinta Habeenka, Eebana waa Maqle Arka.
(62) waxana ugu Wacan Taas in Eebe Xaq (Sugan) yahay, waxay Caabudi oo ka soo Hadhayna Baadil yahay, Eebana yahay Sarreeye Weyn.
(63) Miyeydaan Ogayn in Eebe ka soo Dejiyo Samada Biyo oo ahaado Dhulku Cagaar, Eebana waa Oge Xeel Dheer.
(64) Waxaa u Sugnaaday Eebe waxa Samaawaadka ku Sugan iyo waxa Dhulku ku Suga, Eebana waa Hodan Mahadsan.