الحج   سورة  : Al-Hajj


سورة Sura   الحج   Al-Hajj
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِي الْأَرْضِ وَالْفُلْكَ تَجْرِي فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَن تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ (65) وَهُوَ الَّذِي أَحْيَاكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ ۗ إِنَّ الْإِنسَانَ لَكَفُورٌ (66) لِّكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنسَكًا هُمْ نَاسِكُوهُ ۖ فَلَا يُنَازِعُنَّكَ فِي الْأَمْرِ ۚ وَادْعُ إِلَىٰ رَبِّكَ ۖ إِنَّكَ لَعَلَىٰ هُدًى مُّسْتَقِيمٍ (67) وَإِن جَادَلُوكَ فَقُلِ اللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ (68) اللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ (69) أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۗ إِنَّ ذَٰلِكَ فِي كِتَابٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ (70) وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَمَا لَيْسَ لَهُم بِهِ عِلْمٌ ۗ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِن نَّصِيرٍ (71) وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ تَعْرِفُ فِي وُجُوهِ الَّذِينَ كَفَرُوا الْمُنكَرَ ۖ يَكَادُونَ يَسْطُونَ بِالَّذِينَ يَتْلُونَ عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا ۗ قُلْ أَفَأُنَبِّئُكُم بِشَرٍّ مِّن ذَٰلِكُمُ ۗ النَّارُ وَعَدَهَا اللَّهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ (72)
الصفحة Page 340
(65) Miyeydaan ogayn in Eebe idiin Sakhiray waxa ku sugan Dhulka iyo Markabka Socda Badda Dhexdeeda Amarka Eebe, wuxuuna ka Hayaa Samada inay ku dhacdo Dhulka Idinka Eebe mooyee, Eebana Dadka waa u Naxariis badane.
(66) Eebana waa kan idin Nooleeya, Haddana idin Dila haddana idin Nooleeya Dadkuna waa Diidmo badane (Nicmada Eebe).
(67) Umaad kasta waxaan u yeellay Hab Cibaado oy ku Cibaadaysan ee yeyna kugula Doodin Amarka (Xaqa) uguna yeedh Xagga Eebahaa Adigu waxaad ku Sugantahay Hanuun Toosane.
(68) Hadday kula Doodaan waxaad dhahdaa Eebaa Og waxaad Falaysaan.
(69) Eebana wuu kala Xugmin Dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafsanaayeen.
(70) Miyaadan Ogayn in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samada iyo Dhulka, Arrintaasna waxay ku Sugantahay Kitaab, Arrintaasuna Eebe waa u Fududahay.
(71) Waxay Caabudi Eebe ka sokow Wuxuusan u soo Dejini Xujo oyna u Lahayn cilmi, umana Sugna Daalimiinta Gargaare.
(72) Marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadkanaga oo Cad cad waxaad ka Garataa Wajiyada kuwa Gaaloobay Diido, waxayna u Dhawyihiin inay ku Boodaan (Dhibaan) kuwa ku Akhrin Aayaadkanaga, waxaad Dhahdaa Maydiinka Warramaa wax ka Shar badan Taas, waa Naar u Darbay Eebe kuwa Gaaloobay, Iyadaana u Xun Meel Loo Ahaado.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022