(62) Mu'miniintu Waa Uun kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa, markay la Joogaan Amar kulmiyey Dartiis aan Tagin intay ka Idan Warsadaan, kuwa Idan warsada kuwaasu waa kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa, ee hadday kuu Idan warsadaan Danahooda Qaarkood u Idan Ciddaad Doonto oo ka Mid ah una Dambi Dhaafwarso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariistee.
(63) Ha ka Yeelina u Yeedhidda Rasuulka sida U Yeedhidda Qaarkiin qaar, Eebe wuu ogyahay kuwa Dusi iyagoo Gabban, (Fadhiga Nabiga) ha ka Digtoonaadeen kuwa Khilaafi Amarka Nabiga inay ku Dhacdo Fidmo (Masiibo) ama ku Dhoco Cadaab Daran.
(64) Eebaa iska Leh waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka, waana Ogyahay Waxaad ku Sugantihiin, iyo Maalinta loo Celin Xaggiisa, oo uga Warami waxay Camal faleen, Eebana wax kasta waa Ogyahay.
الفرقان Al-Furqaan
(1) Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo Dejiyey Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige.
(2) Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan.