النور An-Noor
(1) (Tani) waa Suurad aan Soo Dejinay oo Faralnay (wax ku Caddaynay) kuna soo Dejinay Dhexdeeda Aayaad Cad Cad inaad wax Xusuusataan (waano qaada Taan)
(2) Zaaniyadda (Haween) iyo Zaaniga (Ragga) Garaaca mid kastoo ka mid ah Boqol Garaac yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis Diinta Eebe Dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo Garaacooda Koox ka Mid ah Mu'miniinta.
(3) Zaani ma Guursado waxaan Zaaniyad ahayn, ama Gaal, Zaaniyadna ma Guursato waxaan Zaani ahayn ama Gaal, waana laga Reebay Arrintaas Mu'miniinta.
(4) Kuwa (Zino) ku Gana (Sheega) Haweenka Dhawrsoon oon Afar Marag ah keenin Garaaca Siddeetan Garaacood, hana ka Aqbalina Marag Waligood, kuwaasina waa uun Faasiqiin.
(5) Marka laga Reebo kuwa Toobad Keena intaas ka Dib oo Wanaajiya, Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.
(6) Kuwa Qadfa (Zino ku Sheega) Haweenkooda oon Marag aan Naftooda ahayn Lahayn midkood Maraggiisu waa inuu ku Marag Kaco Dhaarta Afar Dhaarood Eebe inuu Run Sheegi
(7) Tan Shanaad waa inuu ku Dhaarto in Lacanadda Eebe ku Dhacdo hadduu Beenaale yahay.
(8) Waxaa Ka rida Iyadana Ciqaabta inay ku Dhaarato Afar Dhaarood inuu Beenaale yahay.
(9) Tan Shanaadna waxay ku Dhaaran in Cadhada Eebe ku Dhacdo hadduu Run Sheegi.
(10) Hadduuna Jirin FAdliga Eebe iyo Naxariistiisa Korkiinna oosan ahayn Toobad Aqbal Badane Falsan «Waxaa Beenaalaha ku Dhici lahaa Cadaab Daran».