(28) Haddaydaan ka Helin Dhexdeeda Ruuxna ha Galina inta Laydinka Idmi, Haddii laydindhaho Noqdana Noqda, Saasaa idiin Wanaagsan, Eebana Waxaad Falaysaan wuu Ogyahay.
(29) Ma aha Korkiinna Dhib (Dambi) Inaad Gashaan Guryo aan la Deganayn oo Dan (Anfaco) idiinku Jirto, Eebe wuxuu Ogyahay waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan.
(30) Waxaad ku Dhahdaa Mu'miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn.
(31) Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu'minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu'miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane.