غافر   سورة  : Ghafir


سورة Sura   غافر   Ghafir
۞ وَيَا قَوْمِ مَا لِي أَدْعُوكُمْ إِلَى النَّجَاةِ وَتَدْعُونَنِي إِلَى النَّارِ (41) تَدْعُونَنِي لِأَكْفُرَ بِاللَّهِ وَأُشْرِكَ بِهِ مَا لَيْسَ لِي بِهِ عِلْمٌ وَأَنَا أَدْعُوكُمْ إِلَى الْعَزِيزِ الْغَفَّارِ (42) لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدْعُونَنِي إِلَيْهِ لَيْسَ لَهُ دَعْوَةٌ فِي الدُّنْيَا وَلَا فِي الْآخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَا إِلَى اللَّهِ وَأَنَّ الْمُسْرِفِينَ هُمْ أَصْحَابُ النَّارِ (43) فَسَتَذْكُرُونَ مَا أَقُولُ لَكُمْ ۚ وَأُفَوِّضُ أَمْرِي إِلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ (44) فَوَقَاهُ اللَّهُ سَيِّئَاتِ مَا مَكَرُوا ۖ وَحَاقَ بِآلِ فِرْعَوْنَ سُوءُ الْعَذَابِ (45) النَّارُ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّا ۖ وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ أَدْخِلُوا آلَ فِرْعَوْنَ أَشَدَّ الْعَذَابِ (46) وَإِذْ يَتَحَاجُّونَ فِي النَّارِ فَيَقُولُ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِّنَ النَّارِ (47) قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُلٌّ فِيهَا إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ الْعِبَادِ (48) وَقَالَ الَّذِينَ فِي النَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ادْعُوا رَبَّكُمْ يُخَفِّفْ عَنَّا يَوْمًا مِّنَ الْعَذَابِ (49)
الصفحة Page 472
(41) Qoomkayoow maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar.
(42) liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa.
(43) Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa uusan lahayn Nacfi (iyo wax ajiiba) adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebe kuwa xadgudbana iyaga uunbaa ah asaxaabta (Ehelka) naarta.
(44) Waadna xusuusan doontaan waxaan idin kuleeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga Eebe, illeen Eebaa arka addoomadee.
(45) Markaasaa Eebe ka dhawray Mu'minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay (ku dagay) Fircoon iyo ehelkiisii cadaab xun.
(46) Naarbaana loo bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, Maalintay kacayso Saacaduna (Qiyaamada waxaa ladhihi) galiya fircoon iyo ehelkiisa kan ugu daran cadaab.
(47) Xusuuso waqtigay ku doodi ehelu Naarku Naarta dhexdeeda ooy ku odhan kuwii (raaciyada ahaa) kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa idinkaan idin raacaynay ee wax manooga taraysaan qayb naarta ka mid ah.
(48) waxay dheheen kuwii iskibriyey dhamaanteen waxaan ahaanaynaa naarta dhexdeeda, Eebana waa kala xukumay addoomadiisa dhexdooda.
(49) Waxayna ku dhaheen kuwa naarta kusugan adeegaha jahannamo noo barya Eebihiin inuu naga fududeeyo maalin cadaabka.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022