غافر   سورة  : Ghafir


سورة Sura   غافر   Ghafir
الْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ ۚ لَا ظُلْمَ الْيَوْمَ ۚ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ (17) وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ الْآزِفَةِ إِذِ الْقُلُوبُ لَدَى الْحَنَاجِرِ كَاظِمِينَ ۚ مَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ حَمِيمٍ وَلَا شَفِيعٍ يُطَاعُ (18) يَعْلَمُ خَائِنَةَ الْأَعْيُنِ وَمَا تُخْفِي الصُّدُورُ (19) وَاللَّهُ يَقْضِي بِالْحَقِّ ۖ وَالَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ لَا يَقْضُونَ بِشَيْءٍ ۗ إِنَّ اللَّهَ هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ (20) ۞ أَوَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ كَانُوا مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوا هُمْ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَآثَارًا فِي الْأَرْضِ فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ اللَّهِ مِن وَاقٍ (21) ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَكَفَرُوا فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ قَوِيٌّ شَدِيدُ الْعِقَابِ (22) وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا وَسُلْطَانٍ مُّبِينٍ (23) إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَقَارُونَ فَقَالُوا سَاحِرٌ كَذَّابٌ (24) فَلَمَّا جَاءَهُم بِالْحَقِّ مِنْ عِندِنَا قَالُوا اقْتُلُوا أَبْنَاءَ الَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ وَاسْتَحْيُوا نِسَاءَهُمْ ۚ وَمَا كَيْدُ الْكَافِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَالٍ (25)
الصفحة Page 469
(17) Maanta (Qiyaamada) waxaa laga abaalmarin nafkastaa waxay kasbatay, dulmina majiro Maanta, Eebana wey dag dag badantahay xisaabtiisu.
(18) Uga dig Nabiyow dadka Maalinta dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (Cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo.
(19) Eebe waa ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu.
(20) Eebe wuxuu xukumaa xaqa, waxay caabudina oo Eeba ka sokeeya waxba ma xukumaan, Eebana waa maqle arka ah.
(21) Miyayna ku soconin Dhulka ooyan fiirin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladan) waxay ahaayeen kuwa ka xoogbadan kana camiraadbadan dhulka, markaasuu qabtay Eebe danbigooda dartiis umana sugnaan waxa Eebe ka soo hadhay wax daafaca.
(22) Waxaana saas ugu wacan inay ahayd xujooyin, oy ka gaaloobeen markaas Eebe qabtay maxaa yeelay waa xoogbadane ay darantahay ciqaabtiisu.
(23) Dhab ahaan yaan (Nabi) Muuse ugu dirray isagoo wata aayaadkanaga iyo xujo cad.
(24) Xagga Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxayna dheheen waa sixirroow beenaala ah.
(25) Markuu ugala yimid xaqa agtanada waxay dheheen dila Wiilasha kuwa rumeeyey, daayana Haweenka (Gabdhaha) dhagarta gaaladuna ma aha waxaan khasaare ahayn.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022