(16) wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.
(17) Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.
(18) Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.
(19) Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.
(20) Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.
(21) wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.
(22) iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.
(23) wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.
(24) inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.
(25) Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).
(26) Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.
(27) haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.
(28) Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.
(29) Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.
(30) Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.
(31) Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay.
(32) Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.
(33) Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.
(34) Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».
(35) Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
(36) Seed u dhihi kartaan saas.
(37) Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.
(38) oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.
(39) Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.
(40) Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.
(41) mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
(42) Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.