المدثر   سورة  : Al-Muddaththir


سورة Sura   المدثر   Al-Muddaththir
إِنَّهُ فَكَّرَ وَقَدَّرَ (18) فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ (19) ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ (20) ثُمَّ نَظَرَ (21) ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ (22) ثُمَّ أَدْبَرَ وَاسْتَكْبَرَ (23) فَقَالَ إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ (24) إِنْ هَٰذَا إِلَّا قَوْلُ الْبَشَرِ (25) سَأُصْلِيهِ سَقَرَ (26) وَمَا أَدْرَاكَ مَا سَقَرُ (27) لَا تُبْقِي وَلَا تَذَرُ (28) لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ (29) عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ (30) وَمَا جَعَلْنَا أَصْحَابَ النَّارِ إِلَّا مَلَائِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا لِيَسْتَيْقِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَيَزْدَادَ الَّذِينَ آمَنُوا إِيمَانًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَالْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْكَافِرُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ (31) كَلَّا وَالْقَمَرِ (32) وَاللَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ (33) وَالصُّبْحِ إِذَا أَسْفَرَ (34) إِنَّهَا لَإِحْدَى الْكُبَرِ (35) نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ (36) لِمَن شَاءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ (37) كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ (38) إِلَّا أَصْحَابَ الْيَمِينِ (39) فِي جَنَّاتٍ يَتَسَاءَلُونَ (40) عَنِ الْمُجْرِمِينَ (41) مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ (42) قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ (43) وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ (44) وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ الْخَائِضِينَ (45) وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ الدِّينِ (46) حَتَّىٰ أَتَانَا الْيَقِينُ (47)
الصفحة Page 576
(18) Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
(19) Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
(20) Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
(21) Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).
(22) Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.
(23) Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.
(24) Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.
(25) quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.
(26) waxaannu galin kaas (Naarta) saqara.
(27) Ma taqaannaa Naarta Saqara.
(28) Hilib iyo laf midna ma Reebto.
(29) waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).
(30) waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
(31) Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee.
(32) Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye.
(33) Iyo Habeenku Markuu Jeedsado.
(34) Iyo Subaxu markuu iftiimo.
(35) Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka).
(36) Waana Digniinta Dadka.
(37) Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay).
(38) Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.
(39) Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).
(40) Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.
(41) Dambiilayaasha.
(42) Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.
(43) Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.
(44) Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka.
(45) Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban.
(46) Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada).
(47) Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022