عبس   سورة  : Abasa


سورة Sura   عبس   Abasa
عبس Abasa
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ (1) أَن جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ (2) وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ (3) أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكْرَىٰ (4) أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ (5) فَأَنتَ لَهُ تَصَدَّىٰ (6) وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ (7) وَأَمَّا مَن جَاءَكَ يَسْعَىٰ (8) وَهُوَ يَخْشَىٰ (9) فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ (10) كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ (11) فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ (12) فِي صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ (13) مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍ (14) بِأَيْدِي سَفَرَةٍ (15) كِرَامٍ بَرَرَةٍ (16) قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ (17) مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ (18) مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ (19) ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ (20) ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ (21) ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ (22) كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ (23) فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ (24) أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا (25) ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا (26) فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا (27) وَعِنَبًا وَقَضْبًا (28) وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا (29) وَحَدَائِقَ غُلْبًا (30) وَفَاكِهَةً وَأَبًّا (31) مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ (32) فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ (33) يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ (34) وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ (35) وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ (36) لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ (37) وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ (38) ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ (39) وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ (40) تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ (41) أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ (42)
الصفحة Page 585
عبس Abasa
(1) Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
(2) Inuu u yimid kii Indhaha la'aa.
(3) Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
(4) Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
(5) Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
(6) Ma; Adaa u bambixi.
(7) Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
(8) Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
(9) Oo Eeba ka yaabi.
(10) Miyaad ka shuqloomi.
(11) Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
(12) Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
(13) Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
(14) Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
(15) Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).
(16) Sharafna leh oo baarri ah.
(17) Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
(18) Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
(19) Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
(20) Jidkana wuu u fudaydiyay.
(21) Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
(22) Markuu doonana wuu soo bixin.
(23) Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
(24) Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
(25) Inaan Roob ku soo shubno.
(26) Dhulkana markaas aan jeexno.
(27) Kana soo bixinno Midho.
(28) Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
(29) Iyo Zeytuun iyo Timir.
(30) Iyo Beerow waawayn.
(31) Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
(32) Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
(33) Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
(34) Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
(35) Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
(36) Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
(37) Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
(38) Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
(39) Wayna Qosli oy bishaaraysan.
(40) Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
(41) Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
(42) Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022