(15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
(16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
(17) Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
(18) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
(19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
(20) Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
(21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.
الضحى Ad-Dhuhaa
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
(2) Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
(3) Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
(4) Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
(5) Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
(6) Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
(7) Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
(8) Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
(9) Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
(10) Ka wax su'aalina ha canaanan.
(11) Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
الشرح Ash-Sharh
(1) Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin).
(2) Oonaan ka dajinin culayskii.
(3) dhabarka kaa cusleeyay.
(4) Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada).
(5) Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj).
(6) Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
(7) Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal).
(8) Eebana (Khayr) ka rajee.