(15) Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan Ceel salkii, Waxaan u waxyoonay waad uga warrami Amarkoodan iyagoon kasayn.
(16) Waxayna u yimaadeen Aabahood habeenkii iyagoo ooyi.
(17) Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba Run sheegnee.
(18) Waxayna la yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa Samir fiican Eebaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan.
(19) Waxaa yimid socoto waxayna direen Dhaamiye Wuxuuna yidhi Bishaaradayda waa Wiil, wayna Qarsadeen isagoo Badeeco ah, Eebana waa og yahay waxay fali.
(20) waxayna ku gateen Qiima jaban Dirhamo tirsan Waxayna ahaayeen kuwaan rabin.
(21) wuxuu ku yidhi kii gatay oo Masar ah Haweenaydiisii (wanaaji) ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay innu na anfaco ama ka yeelanno ilmo, saasaana u Makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad «Riyada» xadiithyada, Eebaana u adag arrinkiisa, Laakiin badida dadku ma oga.
(22) markuu gaadhay Xoogiisa yaan siinnay Xigmad iyo Cilmi (Nabinimo) saasaana ku Abaal marinaa samafalayaasha.