(23) Waxaa dalbatay naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi kaalay, wuxuuna yidhi magan gal Ilaah illeen waa Sayidkaygii wuxuu wanaajiyay horgaygee mana Liibaanaan daalimiintu.
(24) Way ku hamiday «doontay» isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebe, saasaana uga iili Xumaanta iyo falxumida illeen wuxuu ka mid yahay addoomahannaga la doortay (Camalkana u kali yeela Eebe).
(25) Waxay u orotameen albaabka (irridda) waxayna ka goysay Qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmen ninkeedii irridda agteeda, Waxayna ku tidhi maxaa lagu Abaal marin Cid la doontay Ehelkaaga (haweenaydaada) daran la gaashdiiyo mooyee.
(26) wuxuu yidhi Nabi Yuusuf iyadaa i dalabtay Naftayda Wuxuuna ku marag furay Marag ehelkeeda ah haduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna waa Beenalayaasha.
(27) Hadduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga Danbana iyadaa Beenalaay ah isna (Yuusuf) wuxuu Ka mid yahay runlayaasha.
(28) Markuu arkay ninkeedii Qamiiskii Yuusuf oo Gadaal ka go'an wuxuu yidhi kaasi waa Dhagartiinii Dhagartiinuna waa wayn tahay.
(29) Yuusufow iskaga jeedso Xaalkan (ha ka waramin), Haweeneeyahay adna ka Dambi Dhaaf warso Eebe danbi- gaaga waxaad kamid tahay Kuwa gafaye.
(30) waxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi cad.