(38) waxaana raacay milladda (Diinta) Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba, laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan.
(39) Saaxiibadayda Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda badan.
(40) ma caabudaysaan Eebe ka sokow waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga.
(41) Saaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin sayidkiisa khamro, kan kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad warsateen.
(42) wuxuuna (Yuusuf) ku yidhi kii uu u Maleeyay inuu nabad gali oo midkooda iigu sheeg Sayidkaaga agtiisa, Waxaase halmaansiiyay Shaydaan Xusidda Eebihiis, wuxuuna (Yuusuf) ku Nagaaday Xabbiska Dhawr sano.
(43) Xaakinkii wuxuu yidhi waxaan arkay Todobo sac oo Shilshilis oy cunayaan todobo Wayda, iyo Todobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dad Yahaw iiga warrama Riyadayda hadaad Fasiri kartaan riyada.