يوسف   سورة  : Yusuf


سورة Sura   يوسف   Yusuf
يَا بَنِيَّ اذْهَبُوا فَتَحَسَّسُوا مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَيْأَسُوا مِن رَّوْحِ اللَّهِ ۖ إِنَّهُ لَا يَيْأَسُ مِن رَّوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ (87) فَلَمَّا دَخَلُوا عَلَيْهِ قَالُوا يَا أَيُّهَا الْعَزِيزُ مَسَّنَا وَأَهْلَنَا الضُّرُّ وَجِئْنَا بِبِضَاعَةٍ مُّزْجَاةٍ فَأَوْفِ لَنَا الْكَيْلَ وَتَصَدَّقْ عَلَيْنَا ۖ إِنَّ اللَّهَ يَجْزِي الْمُتَصَدِّقِينَ (88) قَالَ هَلْ عَلِمْتُم مَّا فَعَلْتُم بِيُوسُفَ وَأَخِيهِ إِذْ أَنتُمْ جَاهِلُونَ (89) قَالُوا أَإِنَّكَ لَأَنتَ يُوسُفُ ۖ قَالَ أَنَا يُوسُفُ وَهَٰذَا أَخِي ۖ قَدْ مَنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا ۖ إِنَّهُ مَن يَتَّقِ وَيَصْبِرْ فَإِنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ (90) قَالُوا تَاللَّهِ لَقَدْ آثَرَكَ اللَّهُ عَلَيْنَا وَإِن كُنَّا لَخَاطِئِينَ (91) قَالَ لَا تَثْرِيبَ عَلَيْكُمُ الْيَوْمَ ۖ يَغْفِرُ اللَّهُ لَكُمْ ۖ وَهُوَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ (92) اذْهَبُوا بِقَمِيصِي هَٰذَا فَأَلْقُوهُ عَلَىٰ وَجْهِ أَبِي يَأْتِ بَصِيرًا وَأْتُونِي بِأَهْلِكُمْ أَجْمَعِينَ (93) وَلَمَّا فَصَلَتِ الْعِيرُ قَالَ أَبُوهُمْ إِنِّي لَأَجِدُ رِيحَ يُوسُفَ ۖ لَوْلَا أَن تُفَنِّدُونِ (94) قَالُوا تَاللَّهِ إِنَّكَ لَفِي ضَلَالِكَ الْقَدِيمِ (95)
الصفحة Page 246
(87) (Wuxuu yidhi Yacquub) Wilashayow taga oo soo daydaya (Warkii) Yuusuf iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe qoom gaala ah mooyee.
(88) markay u soo galeen Yuusuf waxay dheheen Wasiiryahow waxaa na taabtay annaga iyo Ehelkanagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee Beegidda nuguna sadaqayso ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee.
(89) wuxuuna ku yidhi ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf iyo Walaalkiis idinkoo Jaahiliina.
(90) waxayna dheheen oo adugu ma Yuusuf baa tahay wuxuu yidhi anugu Yuusuf baan ahay kanna waa Walaalkay Eebaa nagu mannaystay (Kulmin) illeen ciddii ka dhawrsata Eebe oo samirta Eebe ma dayaca Ajirka samofalayaashee.
(91) waxay dheheen dhaar Eebee waxaa naga kiin doortay Eebe waana gafsanayn.
(92) wuxuuna yidhi canaani korkiinna ma aha maanta, Eebe ha idiin dambi dhaafo isagaa Naxariis badane.
(93) la taga qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena Ehelkiinna dhammaan.
(94) markuu safarkii soo baxay wuxuu yidhi Aabbahood anugu waxaan heli Yuusuf Dabayshiisii «Caraftiisii» haddaydaan i dhaliilayn.
(95) waxayna dheheen adugu wali waxaad ku sugantahay gafkii hore, (Jacaylkii Yuusuf).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022