(45) Waxaan u Dirray Ree Thammuud Walaalkood Saalax inay Eebe Caabudaan Markaasay soo Bexeen iyagoo Labo Kooxooda oo Doodi.
(46) Wuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u Dedejisanaysaan Xumaan Wanaag ka Hor, Maadse Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu idiin Naxariisto.
(47) Waxayna Dheheen waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula Jirta, wuxuuna ku Yidhi Baaskiinnu wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin Qoom la Fidneeyey.
(48) Waxaana Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin Dhulka Hagaajinayna.
(49) Waxayna Dheheen isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo Ehelkiisaba Markaas aan ky Dhahno Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeju ku Halaagmay Ehelkiisu waxaana Sheegaynaa Run.
(50) Way Dhagreen Dhagar Anana waan Abaal marinay Iyagoon Ogayn.
(51) ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa Halaagnay Iyagii iyo Qoomkoodiiba Dhammaan.
(52) Taasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan.
(53) Waxaana Korinay kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey.
(54) (Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan Idinkoo Arko.
(55) Idinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin Qoom Jaahiliina.