النمل   سورة  : An-Naml


سورة Sura   النمل   An-Naml
۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوا آلَ لُوطٍ مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ (56) فَأَنجَيْنَاهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ قَدَّرْنَاهَا مِنَ الْغَابِرِينَ (57) وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَاءَ مَطَرُ الْمُنذَرِينَ (58) قُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلَامٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ الَّذِينَ اصْطَفَىٰ ۗ آللَّهُ خَيْرٌ أَمَّا يُشْرِكُونَ (59) أَمَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَنبَتْنَا بِهِ حَدَائِقَ ذَاتَ بَهْجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمْ أَن تُنبِتُوا شَجَرَهَا ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللَّهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ يَعْدِلُونَ (60) أَمَّن جَعَلَ الْأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلَالَهَا أَنْهَارًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَاسِيَ وَجَعَلَ بَيْنَ الْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ (61) أَمَّن يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَاءَ الْأَرْضِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللَّهِ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ (62) أَمَّن يَهْدِيكُمْ فِي ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَمَن يُرْسِلُ الرِّيَاحَ بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللَّهِ ۚ تَعَالَى اللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ (63)
الصفحة Page 382
(56) Mana Noqonin Jawaabtii Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya Luudh iyo Ehelkiisa Magaaladiina waa Dad Isdaahirine.
(57) Waana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray (ka dhignay) kuwa Halaagsami.
(58) Waxaana ku soo Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday Roobka kuwa Loo Digay.
(59) Waxaad Dhahdaa mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha Ahaato Addoomadiis uu Doortay Korkooda, ma Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin.
(60) Ma Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa Khayrroon mise waxaad Caabudaysaan) ma kari kartaan inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis, waase Qoom (xaqa) ka Leexaan.
(61) Mise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo, buuro oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Badankooduse wax ma Oga.
(62) Mise Eebaha Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan.
(63) Mise Eebaha idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista Eebe (Roobka) hortiisa, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la Wadaajin.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022