(77) Quraankuna waa Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta.
(78) Eebahaana wuxuu ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa Adkaade Og.
(79) ee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku Sugantahay Xaq Cade.
(80) Adugu wax ma Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq markay Jeedsadaan iyagoo sii Socda.
(81) Mana Tihid mid ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid Ruux Rumeeyey Aayaadkanaga oo Muslima mooyee.
(82) Markuu ku Dhaco Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii) waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga.
(83) Xusuuso Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi.
(84) Markay Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen.
(85) Waxaa ku Dhacey Qawlkii (Ciqaabtii) Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan.
(86) Miyeyna Arkayn inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa).
(87) Xusuuso Maalinta la Afuufi Suurka oos Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan.
(88) Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay ingagantahay (Sugantahay) iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana waa Ogaha waxaad Falayasaaan.