النمل   سورة  : An-Naml


سورة Sura   النمل   An-Naml
أَمَّن يَبْدَأُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُ وَمَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللَّهِ ۚ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (64) قُل لَّا يَعْلَمُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الْغَيْبَ إِلَّا اللَّهُ ۚ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ (65) بَلِ ادَّارَكَ عِلْمُهُمْ فِي الْآخِرَةِ ۚ بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ مِّنْهَا ۖ بَلْ هُم مِّنْهَا عَمُونَ (66) وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَإِذَا كُنَّا تُرَابًا وَآبَاؤُنَا أَئِنَّا لَمُخْرَجُونَ (67) لَقَدْ وُعِدْنَا هَٰذَا نَحْنُ وَآبَاؤُنَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ (68) قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُجْرِمِينَ (69) وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُن فِي ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ (70) وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (71) قُلْ عَسَىٰ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعْضُ الَّذِي تَسْتَعْجِلُونَ (72) وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَشْكُرُونَ (73) وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ (74) وَمَا مِنْ غَائِبَةٍ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ (75) إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَكْثَرَ الَّذِي هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ (76)
الصفحة Page 383
(64) Mise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin oo ah kan Idinka Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma Ilaah (kalaa) Jira Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa Keena Xujadiinna Haddaad Run Sheegaysaan.
(65) Waxaad Dhahdaa ma Oga waxa Samooyinka iyo Dhulka ku Sugan waxa Maqan Eebe mooyee, mana Oga Goorta la Soo Bixin.
(66) Wuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga Suganyihiin Xageeda Shaki, wayna ka Indho La'yihiin Xaggeeda.
(67) Waxay Dheheen kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro Anaga iyo Aabayaalkanno miyaa nala soo Bixin.
(68) Waa Naloo Yaboohay Kan (soo Bixinta) Anaga iyo Aabayaalkanno mar hore, kanna ma aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn.
(69) Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
(70) Hana u Murgin Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay Dhagri.
(71) Waxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi Haddaad Run sheegaysaan.
(72) Waxaad Dhahdaa waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad Dedejisanaysaan Qaarkeed.
(73) Eebahaana waa Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu kuma Mahdiyaan.
(74) Eebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin Laabahoodu iyo waxay Muuiin.
(75) Waxa ku Maqan Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
(76) Quraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil wixii Badnaa ay isku Khilaafeen.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022