(40) maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.
(41) waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
(42) cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee.
(43) Geedka Zaquumka ah.
(44) waa cunnada dambi badanaha.
(45) waana Laami oo kale kuna kari Caloosha.
(46) sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.
(47) (waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.
(48) markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
(49) (waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.
(50) kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).
(51) kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.
(52) Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).
(53) waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.
(54) saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.
(55) waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.
(56) mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.
(57) waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.
(58) waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.
(59) ee sug iyaguna way sugiye.