(10) Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkannaga kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Jaxiimo.
(11) Kuwa (xaqa) Rumeeyow Xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markay Hamiyeen «dooneen» qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan) Gacmahooda oo (Eebe) idinka reebay Gacmohooda Xaggiina kana Dhawrsada Eebe, Ilaahayna ha tala Saarteen Mu'miniintu.
(12) Dhab ahaanbuu u qaaday Eebe Ballanka Banii'Israa'iil, waxaana ka Bixinay Xaggooda Labo iyo toban Madax ah, wuxuuna yidhi Eebe anagu waan idin la jiraa Haddaad Oogtaan Salaadda oo Bixisaan Zakada ood Rumaysaan Rasuuladayda, ood una Gargaartaan oo amaah gashataan Eebe amaah (Sadaqo) Fiican waxaan ka Asturi Xaggiinna Xumaanta waxaana idin galin Jannooyin ay Dureeri Dhecdeeda Wabiyaal Ruuxii Gaalooba intaas ka Dib oo idin Ka mid ah wuxuu ka Dhumay Jidka Toosan.
(13) Burintooda Ballankooda (Yuhuud) yaan u Lacnadnay kana Yeellay Quluubtooda mid Ingagan, iyagoo ka leexin Kalimada meejeeda waxayna halmaameen qayb ka mid wixii lagu waaniyey kamana waydid Xaggooda inaad ku aragtid Khayaamo wax yar mooyee ee iska Cafi iskana Saamax Eebe wuxuu Jecelyahay samo Falayaashee.