(32) Saas Darteed yaan ugu Jidaynay Banii-Israa'iil Cidii Disha Naf aan (Dilin) Naf ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay Dadka Dhammaan, Ciddii Noolaysa Nafna (Korisa) Waxay la mid Tahay Isagoo Nooleeyey Dadkoo Dhan, Waxay ula Timid Rasuuladanadii Xujooyin Markaas in Badan oo ka mida Intaas ka dib Dhulkay ku Xadgudbeen.
(33) Abaalka kuwa la Dagaalama Eebe iyo Rasuulkiisa oo la Socda Dhulka Fasaad waa in la Dilo ama la Wadho, ama loo gooyo Gacmahooda iyo Lugabooda Isdhaaf, ama laga Fogeeyo Dhulka, arrintoodaasna waa inay Mudanyihiin Dulli Adduun iyo Aakhiro oo Cadaab Wayna.
(34) Kuwa Toobad keena qabasho ka hor mooyee Ogaadana in Eebe Dambi Dhaafo oo Naxariisto.
(35) Kuwa (Xaga) Rumeeyow ka Dhawrsada Eebe una Doona Xaggiisa Dhawaansho kuna Jahaada Jidkiisa waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
(36) Kuwa Gaaloobay hadduu u ahaado waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan iyo wax la mid ah inay iskaga Furtaan Cadaabka Maalinta Qiyaame lagama Aqbaleen waxayna Mudan Cadaab Daran..