(65) Hadday Ehelu Kitaabku Rumeeyaan xaqa oy Dhawrsadaan waxaan ka Asluri lahayn Xagooda Xumaantooda waxaana Galinlahayn Jannada Naciimo.
(66) Hadday ku Camal falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo Dejiyey Xagga Eebahoodna waxay ka Cuni lahaayeen Korkooda iyo Hoostooda, «barwaaqo» waxaa ka mid ah Umad Dhex dhexaysa wax badan oo ka mid ahna waxaa Xun Waxay Fali.
(67) Rasuulow Gaadhsii waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa (Dadka) Haddaadan Falin Maadan Gaadhsiin Risaaladiisa «Fariintiisa», Eebaana kaa Haalin Dadka, Eebana ma hanuuniyo qoom Gaala ah.
(68) Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah.
(69) Kuwa Xaqa Rumeeyey iyo kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'iinta iyo Nasaara Ciddii Rumeysa Eebe, Maalinta Dambe (Qiyaamada) oo fala camal fiican cabsi korkooda ma ahaato iyo Walbahaar (Midna).
(70) Waxaan Qaadnay Ballanka Banii'israa'iil waxaana u Diray Xaggooda Rasuullo, Markastoos ula Yimaaddo Rasuul waxaan Naftoodu Jeelayn Koox way Beeniyaan Kooxna way Dilaan.