(24) Waxay dheheen Muusow anagu ma galayno Waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebaha oo la dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye.
(25) Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma hanto Naftayda iyo Walaalkay Mooyee ee nakala Bixi (Xukun) Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun).
(26) (Eebe) Wuxuu Yidhi iyadu «Dhulka» waa ka Xaaraan korkooda Afartan Sano oy ku Wareeri Dhulka ee haw Murugoon qoomka Faasiqiinta ah.
(27) Ku akhri Korkooda warka Labadii Wiil ee Ilmo Nabi aadam ahayd si dhab ah, markay Dhaweeyeen (Sadaqaysteen) Sadaqo oo laga Aqbalay Midkood lagana aqbalin kii kale, oo uu Yidhi waan ku Dili uu Yidhi (Kii kale) wuxuu uun Eebe ka aqbalaa kuwa Dhawrsada.
(28) Haddaad u soo Fidiso Xaggayga Gaeantaada inaad i disho anigu kugu Fidin maayo gaeanta inaan ku dilo Anugu waxaan ka Cabsan ilaahay ee ah Eebaha Caalamka.
(29) Waaxaana Dooni inaad la Noqoto Dambigayga iyo kaagaba ood noqoto Naarta Ehelkeeda Taasina waa Abaalka Daalimiinta.
(30) Markaasay u qurxisay Naftiisii Dilka Walaalkiis Wuuna Dilay wuxuuna Nooqday kuwa Khasaaray.
(31) Wuxuuna Eebe u Bixiyey (Muujiyey) Tuke Faadhi Dhulka inuu Tusiyo siduu u Asturo Maydka Walaalkiis, wuxuuna Yidhi Shalaytee miyaan ka Cajisay inaan noqdo Sida Tukahan oon Asturo Maydka Walaalkay wuxuuna ahaaday mid Qoomamooda.