(119) Maxaad la cuni waydeen waxa Magaca Eebe lagu Xusi, Isagoo laydiin Caddeeyey waxa Laydinka Reebay inaad Dhibbantihiin Mooyee, wax Badan waxay ku Dhumin (Dadka) Hawadooda Cilmi darro, Eebahaana waa Ogyahay kuwa Xad-gudba.
(120) Ka Taga Dambiga Muuqda iyo Kan Qarsoonba, kuwa Jasbada Dambigana waxaa laga Abaal marin waxay Kasbanayeen.
(121) Ha cunina waxaan lagu Xusin Magaca Eebe, illeen waa Xumaane, Shaydaamaduna waxbay u Sheegaan Saaxiibkooda inay idinla murmaan, Haddaad Maqashaanna waxaad Noqonaysaan Gaalo.
(122) Cid mayd ahayd oon noolaynay oon u Yeellay Nuur uu ku Dhex socdo Dadka ma lamidbaa mid Mugdi ku Sugan oo ka baxayn, Saasaana loogu Qurxiyey Gaalada waxay Falayeen.
(123) Saasaan ugu Yeellay Magaalo kasto Dambilayaal waawayn, inay wax ku Dhagraan Dhexdeeda, waxaan Naftooda ahayna ma Dhagrayaan masc oge.
(124) Markay soo Gaadho aayad waxay Dhahaan Rumayn maynno inta nalooga keeno wixii la siiyey Rasuuladii Eebe Ilaahay baana og Meejuu Yeeli Rasuulnimada waxaana ku Dhiei kuwii Dambaabay Dulli Eebe Agtiisa ah iyo Cadaab Daran waxay Dhagrayeen Darteed.