(74) Ka Warran markuu ku Yidhi (Nabi) Ibraahim Aabihiis Aazara ma waxaad ka Yeelan Sanamyo ILaahyo, waxaan kugu Arkaa adiga iyo Qoomkaagaba Baadi Cad.
(75) Saasaan u Tusinnay Ibraahim Xukunka Samooyinka iyo Dhulka inuu ka Mid Noqdo kuwa Yaqiiniya (Xaqa).
(76) Markuu ku Maddobaaday Habeenku wuxuu Arkay Xiddig Wuxuuna Yidhi kani ma Eebahaybaa, markuu Dhacay wuxuu Yidhi ma Jedi kuwa Dhaca.
(77) Markuu Arkay Dayaxa oo soo Muuqda wuxuu yidhi kani ma Eebahaybaa markuu Dhacay wuxuu Yidhi Hadduusan I hanuunin Eebahay waxaan ka mid Noqon kuwa Dhuma.
(78) Markuu Arkay Qorraxda oo soo Muuqata wuxuu Yidhi kani ma Eebahaybaa kanaa wayne, Markay Dhaeday wuxuu Yidhi Qoomkayow Bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan (Eebe).
(79) Anugu waxaan u Jeediyey Wajigayga Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka anoo Toosan oon ka mid ahayn Gaalada.
(80) Way Ladoodeen Nabi Ibraahim Qoomkiisii, wuxuuna yidhi ma waxaad igula Doodaysaan Eebe, Isagoo I hanuuniyey, oonan ka Cabsanayn waxaad la Wadaajinaysaan, in Eebahay wax doono Mooyee, Eebahay waa u Waasac (Awoodleeyahay) wax kasto Ogaansho, niyeydaan Xusuusanayn (wax).
(81) Sideen uga Cabsan waxaad la Wadaajiseen, idinkuna aydaan ka Cabsanayn inaad la Wadaajiseen Eebe wuxuusan u soo Dejinen Xujo, ee Labada Kooxood (Muslimka iyo Gaalada) koodee mudan Nabdagalyo Haddaad wax Ogtihiin.