(138) Waxay Dheheen Tan waa Niemooleey iyo Beer Reeban oosan ka Quudanayn Cidaan Doonno Mooyee, Sheegashadooda, iyo Niemoolay la Xarrimay Dhabarkeeda (In la rarto) iyo Niemoolay aan Magaca Eebe lagu Xusayn, ku Been abuurasho Darteed wuxuu ka Abaal marin Eebe waxay Been Abuuranayeen.
(139) Waxay Dheheen Gaaladii waxa ku Jira Uurka Niemoolaydan waxay Gaar u tahay Raggannaga waxayna ka Reebantahay Haweenkannaga hadday Bakhti tahayna way wadaagi wuxuu ka Abaal marin Eebe Tilmaantooda, Illeen waa Falsame Oge.
(140) Waxaa Dhab u Khasaaray kuwa Dilay Caruurtooda Caqli Xumo Darteed iyo Cilmi la'aan oo Reebay wixii Eebe ku Arzuqay Been abuurasho Eebe Darteed way Dhumeen mana Hanuunsana.
(141) Eebe waa kan soo Bixiyey Beero la Dhisay iyo Kuwaan Dhisnayn, iyo Timir, iyo Tallad kala Duwanyahay Cunidiisu, iyo Saytuun, iyo Rumaan isu eg iyo qaaraan isu ekeyn, ka Cuna Midhihiisa (Sakada) Maalinta la goyn, hana Xad Gudbina Eebe ma Jeela kuwa Cadgudbee.
(142) Niemoolayda waxaa ka mida mid la Rarto, iyo mid kuwa yar yara, ka Cuna waxa Eebe idinku Arzaaqay hana raacina Tallaabooyinka Shaydaanka Illen waa Colkiinna oo Cade.