(132) Cid kasta Darajooyin yey Leedahay oo waxay Camal fashay ah Eebahaana ma ah mid halmaansan waxay Camal Faleen.
(133) Eebhaaana waa Hodan Naxriis badan, Hadduu Doono wuu idin Baabi'in idinkuna Bedali Gadaashiin Ciduu Doono siduu iddinka Abuuray Faracii Qoom kale.
(134) Waxa laydiin Yaboohi wuu Imaan Eebana ma daalisaan.
(135) Waxaad Dhahdaa Qommkayow ku Camal Fala Sidiinaas, anna waan Camal faliye, waxaadna Ogaan doontaan Cidday Cidhib Dambe u ahaatee mana Liibano Daalime.
(136) Waxay uga yeeleen Eebe wuxuu Abuuray oo Beero iyo Xoola ah qayb, waxayna Dheheen kan Eebaa iska leh Sheegashadooda kanna waxaa iska leh Shurukadanada (Sanamyda) waxa Sanamyadu ma Gaadho Eebe, waxa Eebana wuxuu Gaadhaa Sanamyadooda waxaa Xun waxay Xukumeen.
(137) Saasayna ugu Qurxiyeen in Badan oo Gaalada ah Dilidda Caruurtooda Shurukadoodu, (Shayaadiintu) inay Halaagaan kana Khaldaan Diintooda, hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Isaga Tag iyaga iyo waxay Been Abuuran.