(109) ha shakin (xumaanta) waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay Aabayaalkood caabudayeen mar hore mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda (Ciqaabta) oon laga Nusqaaminayn.
(110) waxaan siinnay (Nabi) Muuse Kitaabka (Tawreed) waana laysku khilaafay, hadduunan jirin hadal Eebahaa oo horreeyey waa lakala xugmin lahaa dhexdooda, waxayna iyagu kaga suganyihiin shaki daran.
(111) dhammaan wuu u oofin Eebahaa Camalkooda illeen Eebe waxay camal fali wuu ogyahay.
(112) ee u toosnow sida lagu faray adiga iyo inta kula toobadkeentay hana xadgudbina illeen Eebe waxaad camal falaysaan wuu arkaaye.
(113) ha u iilanina kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebe ka sokow Awliyo markaas laydiinna gargaari Maayo.
(114) oog salaadda maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka ka mida (saacaad) illeen wanaagu wuxuu tegsiiyaa (Tirtiraa) xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah xuska badan.
(115) samir (adkayso) ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama falee.
(116) maxay u ahaan waayeen Quruumihii hore dad khayr (caqli) leh oo ka reeba fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo ka mida kuwaan korinnay xaggooda, waxayna raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal.
(117) Eebana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax wanaajin.