(82) markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan.
(83) lagu calaameeyey Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka fogna ma aha.
(84) Madyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah kalee, hana nusqaaminina Beegidda (Miisiidda) iyo miisaanka waxaan idinku arkaa khayre (xoolo) waxaana idiinka cabsan Cadaab Maalin koobi.
(85) Qoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada hana ka nusqaaminina Dadka waxooda Dhulkana ha fasaadinina.
(86) Baaqiga Eebe yaa idiin khayrroone ma ihi mid idin ilaalin (karee).
(87) waxay dheheen shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay caabudayeen Aabayaalkaanno ama ku fallo xoolahanaga waxaan doonno adugu waxaad uun tahay dulbadane toosan (Jees jees dartiis).
(88) wuxuu yidhi Qoomkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebahay iguna arsuqay risqi wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo maro waxaan idinka reebi oonan doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebe ahayn ma karo isagaana talo saartay xaggiisaana u noqon, (Toobad).