(107) Hadduu ku taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista.
(108) Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna Wakiil uma ihi.
(109) Ee raac waxa laguu waxyooday Samirna inta Eebe ka kala Xukmin (Dadka) isagaa u Wanaagson Xaakime.
هود Hud
(1) Erayga hore wuxuu ku Tusin Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la sugay Aayadihiisa, markaas lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og Xaggiisa.
(2) inaydaan Caabudin Eebe mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Eebe Dige Bishaareeya.
(3) dambi dhaafna warsada Eebe una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh (Fadli) dheeraadkiisa (Fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wayn.
(4) xagga Eebaa noqoshadiinnu tahay wax kastana wuu karaa.
(5) waxay iilayaan Laabtooda inay iska qariyaan Eebe, markay isku dadi maryahooda waa ogyahay Eebe waxay qarsan iyo waxay Muujin, illeen Eebe waa igyahay waxa laabta ku sugane.