(63) wuxuu yidhi bal ka warrama haddaan xujo Eebahay ku sunahay oo uu i siiyey Naxariis xaggiisa ah yaa iiga gargaari Eebe haddaan Caasiyo iimana kordhinaysaan waxaan khasaarc ahayn.
(64) Qoomkayow tan waa Hashii Eebe Calaamad bayna idiintahay ee iska Daaya ha cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab dhaw.
(65) wayse dileen Hashii, wuxuuna ku yidhi ku raaxaysta guryihiina Saddex maalmood kaasina waa yabooh aan la beeninayn.
(66) markuu u yimdi amarkii Eebe waxaan ku korinay Nabi Saalax iyo intii rumaysay Naxariistanada iyo inaan (ka korinay) dulliga Maalintaas Eebana waa xoog badane Adkaada.
(67) waxaana wabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku dhexdhinta.
(68) sidii iyagoon ku dhex nagaanin, Thamuud waxay ka gaaloobeen Eebahood waxayna muteen fogaansho (Halaag).
(69) waxay ula yimaaddeen Malaa'igtanadii aan soo diray Nabi Ibraahim Bishaaro, waxayna dheheen salaamo korkaaga ha ahaato, isna wuxuu yidhi Salaam, kamana nagaan (Daahin) inuu u keeno dibi la dubay (Hilibkiis).
(70) markuu arkay in ayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay wuxuuna iska kasay cabsi xaggooda ah, waxayna dheheen ha cabsan waxaa naloo soo diray Qoomka (Nabi) Luudhe.
(71) haweeneydiisiina way taagnayd wayna qososhay waxaana ugu bishaaraynay (Nabi) Isxaaq gadaashiisna Yacquub (Wiilkiisii).