(54) wax kale kuguma dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada).
(55) oo Eebe ka soo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i sugina.
(56) anugu waxaan tala saartay llaahay ee ah Eebahay iyo Eebihiin wax socda oosan foodda qabanayn ma jiro (Awoodayn) Eebahayna wuxuu ku sugan yahay jid toosan.
(57) haddaad Jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna, wuuna idinka gadaal marin Eebahay qoom kale waana kama dhibaysaan, Eebahayna wax kasta wuu ilaaliyaa.
(58) markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay Naxariistanada wexaana ka korinay Cadaab Adag.
(59) taasi waa Caad waxay diideen Aayaadkii Eebahood waxayna caasiyeen rasuuladiisii waxayna raaceen amarka islaweyne madax adag dhammaantiis.
(60) waxaana la raaciyey Adduunyadan Lacnad iyo Maalinta Qiyaamaba, Caad way ka gaaloobeen Eebahood Fogaanshaa (Halaagbaana) u sugnaaday Caadkii Qoomkii Huud ahaa.
(61) Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una toobad keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade)
(62) waxay dheheen Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan ka hor ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen Aabayaalkanno annagu shaki daran baan kaga suganahay waxaad noogu yeedhi.