(84) Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
(85) Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
(86) Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
(87) Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
(88) Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
(89) Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
(90) Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah).
(91) Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
(92) Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
(93) Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
(94) Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
(95) Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
(96) Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
(97) Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
(98) Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
(99) Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
(100) Mana Lihin wax Noo Shafeeca.
(101) Iyo Saaxiib Dhaw.
(102) Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin.
(103) Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
(104) Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
(105) Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
(106) Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
(107) Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
(108) Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
(109) Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
(110) Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
(111) Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).