الشعراء   سورة  : Ash-Shu'araa


سورة Sura   الشعراء   Ash-Shu'araa
فَلَمَّا تَرَاءَى الْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَابُ مُوسَىٰ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ (61) قَالَ كَلَّا ۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهْدِينِ (62) فَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنِ اضْرِب بِّعَصَاكَ الْبَحْرَ ۖ فَانفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَالطَّوْدِ الْعَظِيمِ (63) وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ الْآخَرِينَ (64) وَأَنجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُ أَجْمَعِينَ (65) ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ (66) إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (67) وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (68) وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَاهِيمَ (69) إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا تَعْبُدُونَ (70) قَالُوا نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَاكِفِينَ (71) قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ (72) أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ (73) قَالُوا بَلْ وَجَدْنَا آبَاءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ (74) قَالَ أَفَرَأَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ (75) أَنتُمْ وَآبَاؤُكُمُ الْأَقْدَمُونَ (76) فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّي إِلَّا رَبَّ الْعَالَمِينَ (77) الَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهْدِينِ (78) وَالَّذِي هُوَ يُطْعِمُنِي وَيَسْقِينِ (79) وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ (80) وَالَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحْيِينِ (81) وَالَّذِي أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ (82) رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (83)
الصفحة Page 370
(61) Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
(62) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
(63) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
(64) Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
(65) Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
(66) Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
(67) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
(68) Eebahaana waa Adkaade Naxariista,
(69) Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
(70) Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
(71) Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
(72) Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
(73) Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.
(74) Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
(75) Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan.
(76) Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
(77) Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
(78) Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
(79) Kan I Quudin ee I Waraabin.
(80) Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
(81) Waana kan I dili Ina Noolayn.
(82) Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
(83) Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022