آل عمران   سورة  : Aal-Imran


سورة Sura   آل عمران   Aal-Imran
إِذْ هَمَّت طَّائِفَتَانِ مِنكُمْ أَن تَفْشَلَا وَاللَّهُ وَلِيُّهُمَا ۗ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ (122) وَلَقَدْ نَصَرَكُمُ اللَّهُ بِبَدْرٍ وَأَنتُمْ أَذِلَّةٌ ۖ فَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ (123) إِذْ تَقُولُ لِلْمُؤْمِنِينَ أَلَن يَكْفِيَكُمْ أَن يُمِدَّكُمْ رَبُّكُم بِثَلَاثَةِ آلَافٍ مِّنَ الْمَلَائِكَةِ مُنزَلِينَ (124) بَلَىٰ ۚ إِن تَصْبِرُوا وَتَتَّقُوا وَيَأْتُوكُم مِّن فَوْرِهِمْ هَٰذَا يُمْدِدْكُمْ رَبُّكُم بِخَمْسَةِ آلَافٍ مِّنَ الْمَلَائِكَةِ مُسَوِّمِينَ (125) وَمَا جَعَلَهُ اللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ لَكُمْ وَلِتَطْمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِ ۗ وَمَا النَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِندِ اللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ (126) لِيَقْطَعَ طَرَفًا مِّنَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَوْ يَكْبِتَهُمْ فَيَنقَلِبُوا خَائِبِينَ (127) لَيْسَ لَكَ مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ أَوْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ أَوْ يُعَذِّبَهُمْ فَإِنَّهُمْ ظَالِمُونَ (128) وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۚ يَغْفِرُ لِمَن يَشَاءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (129) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا الرِّبَا أَضْعَافًا مُّضَاعَفَةً ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ (130) وَاتَّقُوا النَّارَ الَّتِي أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ (131) وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (132)
الصفحة Page 66
(122) Markay Hamiday «Doontay» Labo Kooxood oo idinka mid ah inay Fashilaan (Cabsadaan) Eebana Waligooda (Gargaarahooda) ahaa ee Eebe uun ha tala saarteen Mu'miniintu.
(123) Dhab ahaan buu idiin ku Gargaaray Eebe (Maalintii) Badar idinkoo dulaysan «Tabar yar», ee ka Dhawrsada Eebe waxaadna mudantihiin inaad ku Mahdisaan.
(124) Markaad ku lahayd Mu'miniinta Miyuusan idiinku Fillayn inuu idinku Xoojiyo Eebihiin Saddex Kun oo Malaa'ig ah oo soo Degi.
(125) Waa na kaafiyaan ee haddaad Samirtaan (Adkeysataan) ood dhawrsataan (waydinku fillaan) waxayna idiinku imaan deg daggooda, kaasna waa Xoojin Eebihiin Shan Kun oo Malaa'ing ah oo Calaamaysan.
(126) Uma yeelin Eebe (Arrintaas) Bishaaradiinna mooyee iyo inay ku Xasisho Quluubtiinnu isaga, Gargaar aan Eebe agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan.
(127) Si uu u Gooyo (Halaago) qayb ka mid ah kuwa Gaaloobay ama Walbahaariyo oy Noqdaan iyagoo Khasaaray.
(128) Waxba Amarka kuma lihid Nabiyow ama wuu ka Toobad aqbali Eebe ama wuu Cadaabi Gaalada, illeen waa Daalimiine.
(129) Eebaa aska leh waxa Samooyinka ku sugan iyo waxa Dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa (Dambiga) Ciduu doono, wuxuuna Cadaabaa Ciduu doono, Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista.
(130) Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha u Cunina Ribada Laablaab, kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane.
(131) Kana dhawrsada Naarta loo Darbay Gaalada.
(132) Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad u dhawdihiin in laydiin Naxariistee.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022