(133) Una deg daga Dambi dhaafka Eebihiin iyo Janno Ballaadhkeedu yahay Samaawaadka iyo Dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada.
(134) Ee ah kuwa wax bixiya Waqtiga Ladnaanta iyo Dhibkaba, ee Damiya Cadhada ee iska Cafiya Dadka, Eebana waa Jeelyahay Samadalayaasha.
(135) Kuwa markay falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Eebe, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebe mooyee, oon daa'imin (Xumaantay) faleen iyagoona og.
(136) Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi dhaafka Eebahood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay.
(137) Waxaa dhab ahaan u tagay Hortood Sunno (Waddo) ee Socda Dhulka oo eega siday noqotay Cidhibtii Beeniyayaashii.
(138) Kaasi waa Caddayn Dadka waana Hanuun iyo Waanada kuwa dhawrsada.
(139) Ha tabar yaraanina hana Murugoonina idinkaa Sareyn haddaad Tihiin Mu'miniine.
(140) Hadduu idin taabtay Dhib (Dhaawac) Dhabahaan buu u taabtay Woomkana Dhib la mid ah, waana Saas Adduunyadu waxaanuu ku kala wareejinaa Dadka Dhexdiisa iyo in Eebe Muujiyo kuwa rumeeyey kana yeesho Xaggiinna Marag, Eebana ma jeela Daalimiinta.